09/24/2022
Waxyaabaha ay tahay in aad barato kahor da'da 30aad :-
1- Hurdadu waa aas aaska wax walba oo aad qabanayso, dadku isku hab uma shaqeeyaan jir ahaan iyo maskax ahaan, maskaxdu waxa ay kuso kabsataa hurdada jirkuna cunto kaamilan dhan walba.
2- sida aad u fikirayso, dadka aad la xiriirayso iyo nolosha aad helayso waxa ay ku xirantahay habka aad u nooshahay waxa aad soo jiidataa waxyaabo, dad iyo nolol lamid ah taad ku nooshahay, reality- gaaga waad badali kartaa adiga oo u maraya in aad u ekaato waxa aad rabto. Ka billow qolkaaga sida uu egyahay iyo sida aad rabto in ay wax noqdaan ma is leeyihiin.
3- Hadii aad tahay qof ay fududahay in saamayn lagu yeesho oo aad tahay dadka lamidka ah hadba qofka ay la socdaan sida uu yahay waxaa aad muhiim u ah in aad keli socod ahaato, hadii aadan sidaas samayn waxa aad u nuglaanaysaa in qof waliba oo kula socda xataa hadii uu xun yahay aad balligiisa kula dabaalato.
4- Diiqo iyo stress hoygoodu waa gudaha, inta badan e aadan guriga ka bixin waa inta badan ee aad diiqad iyo walbahaar dareemayso, soo bax dhex qaad dadka iyo duunyada.
5- Baraha bulshadu waxa uu maskaxdaada u gaystaa damage kolka aad tahay qaate alyacni qof aan isagu waxba soo bandhigin waxa ay maskaxdaadu aruurinaysaa dhamaan fikrado xumayn kara noloshaada xata hadii aadan qaadan maskaxdaadu waa ay save gareyni taas badalkeed noqo bixiye qof isagu wax soo bandhiga kolkaas adiga ayaa wax baraya waxna baranaya maadama aad mar walba isku howlayso in aad wax cusub barato si aad wax cusub ula timaado.
6- Hadii aad ka yartahay 20 sano waa xilliga ugu haboon ee aad jirkaaga dhisi karto waxaa arrinkaas kuu fududaynaya testosterone level kaaga oo xaddigiisu badan yahay, mar kasta oo da' kugu siyaado hoormon kaasina waa sii dhacaa markauu dhacana waxaa yaraada shaqada maskaxdaada, awooda murqahaaga, himmada galmadaada iyo energy/tamarta guud ee jirkaaga, ka faaiidayso inta ad yartahay.
7- Heerka ugu sarreeya ee doqonimadu waa in aad ruux colaadiso, necbaato wax lagaaga sheegay awgeed, waa ay xanuun badan tahay in aad gadaal ka ogaato in ruuxii laguu sheeko xumeeyay uuba kaaga wanaagsan yahay kuwii kaaga sheeko xumeeyay.
8- Hadii aad isticmaasho daroogo oo aad iska jari wayday ama aadan rabin in aad jartaba waligaa iska ilaali in aad u isticmaasho in aad xal ka raadiso oo aad isku dhaafiso dhibaatooyinka xalka kaaga baahan, taasi waxa ay kugu hogaaminaysaa in aadan waxba xallin abidkaa oo aad dhibaato waliba iyada kaga gambato, taas badalkeed hadii aadan iska daynayn u isticmaal in aad ku dabaal dagto, alyacni aad ku nasato kolkaad howl adag iska soo xalliso taasi waxa ay kugu hogaaminaysaa in aadan isticmaalin daroogo adiga oo aan wax xallin oo aan soo daalin.
9- Hadii aad tahay qof dumara xilligan la joogo xirfada ugu muhiimsan ee aad baran karto waa sida looga shaqaysto dunida digital ka ah iyo hababka online ka ah, taasi waxa ay kuu sahlaysaa in aad shaqaysato adiga oo jooga gurigaaga hadii aad xanuun santahay, hadii aad umul tahay hadii aad xaamilo tahay iyo hadii qoys badani kugu hoos nool yihiin oo aad hoyo tahay shaqooyin banaanka ahna aadan qaban karin.
10- soo koob noloshaada oo dhan wax walba oo aad qabato ama samayso waxaa sabab u ah hormone ay maskaxdaadu soo dayso oo la yiraahdo "dopamine" , fahanka arrinkaan waxyaabo badan oo aadan ogayn ayuu kuu bayaanin doonaa, mar baynu kor iyo hoosba uga warami doonnaa insha allah.
Mohamed Dafle