10/12/2025
Nin Espainish 🇪🇸ah ayaa in ka badan 10 sano telefoon kula xiriirayay haweeney uu ku qanciyay inuu yahay “Ilaah”, kana codsaday inay lacagteeda dhigato “Bangiga Jannada” halkii ay ka dhigi lahayd bangiyada adduunka.
Wuxuu u sheegay in “Bangiga Jannada” uu ku yaal dukaan ku dhex yaal magaalada León, uuna ka dalbaday inay gasho dukaankaas, furto jaranjaro yar (drawer) oo ay lacagta geliso. Haweeneydu way rumaysatay arrintaas waxayna sannado badan booqan jirtay dukaanka, lacagteedana ku ridaysay jaranjaradaas illaa ay eber noqotay .
Markii lacagtii ka dhammaatay, ninkii ayaa haddana ku qanciyay inay deyn ka qaadato bangiyada, taas oo ay sameysay, ka dibna dhammaan deyntii waxay ugu shubtay jaranjaradii uu u sheegay.
Wadarta lacagaha ay bixisay waxay gaartay €300,000.
Wuxuu sidoo kale ku qanciyay in ehelkeedu “ U dhimandoonaan cudurro” haddii ay arrinta u sheegto, sababtoo ah “ hawlha samafalku waa in uu sir ahaadaa adiga iyo Rabbiga dhexdiinna”.
Gadaal Dambe ayaa la ogaaday in ninka khiyaameeyay oo magaciisu yahay Víctor uu ahaa saaxiib qoyskooda ah , kana shaqaynayay khiyaamadaas muddo 10 sano ah oo uu si heer sare ah u jilayay.
Boolisku waxay arrinta ogaadeen dhawaan, waxaana soo baxday in dukaanka ay haweeneydu lacagta dhigaysay uu isagu lahaa.
Waxaa la xiray, waxaana laga yaabaa inuu wajahayo 8 sano oo xabsi ah, ganaaxyo lacageed, iyo in uu lacagihii oo dhan dib ugu celiyo dhibbanaha.