casoowe iyo caalamka

casoowe iyo caalamka Historian

20/03/2024

Deg Deg Actorka Caanka ah ee Will Smith ayaa sheegay in uu jeclaaday Akhriska Qur’aanka Kariimka ah.

Weli muu qaadanin diinta Islaamka, hasayeeshee mushkiladdo la soo dersay ayuu ku dabiibayaa, Waxaana uu cadeeyay uu la dhacsan Yahay Qur’aanka Kariimka Ah.

20/03/2024

WAR CUSUB :- " Doorashadii anaga waa naga diyaar , jadwalkiina waanu soo saareynaa haloo diyaar garoobo doorasho xor iyo xalal ah …”

Gudoomiyaha Kominshanka Doorashooyinka Somaliland oo warbaahinta la Hadley ayaa sidaas yidhi.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ee dhawaan la magacaabay Taye-Atske Selassie ayaa sheegay in rabitaanka sharciga a...
13/03/2024

Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ee dhawaan la magacaabay Taye-Atske Selassie ayaa sheegay in rabitaanka sharciga ah ee Itoobbiya ee ay ku doonayso inay marin u hesho badda cas aanay uga waabanayn awood debedeed.

Isagoo wasiirku la hadlaya warbaahinta gudaha, wuxuu intaa ku daray in ay tahay arrin ku xidhan amniga qaranka iyo deganaanshaha Ethiopia.

Wasiirka ayaa tilmamay in bulshada caalamku hadda si fiican uga war hayso rabitaanka Itoobbiya ee ay ku doonayso marin ay u hesho badda cas, kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadeen Lixdii bilood ee u danbeeyay, isla markaan rabitaankoodu yahay mid sharci ah.

Wasiirka ayaa sheegay in doonitaanka Itoobiya ee Marin-u-helidda baddu aanu ka soo horjeedin xaqiiqooyinka dhabta ah, taa awgeedna aanay dhibbane u noqon doonin culaysyada gudaha ee dalal kale.

Mr. Taye-Atske Selassie ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Itoobbiya diyaar ugu tahay in wada hadallo dheeraad ah ka gasho heshiiska is-fahan ee ay la gashay Dowlada Somaliland iyo waliba dhaamka weyn ee GERD. Taariikhda Itoobiya kuma jirto in wax naloo yeedhiyay aanu aqballo, balse arrimaha qaarkood wada hadal ayaanu ka gali karnaa , iyada oo labada dhinacba faa’idayaan, ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Itoobiya.

22/12/2023
30/11/2023

Henry Kissinger— dawacii diblumaasiyadda oo geeriyooday!

Wasiirkii h**e ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Henry Kissinger oo ahaa aqoonyahan iyo siyaasi weyn ayaa geeriyooday isaga oo 100 jir ahaa.

Henry Kissinger, waxa uu 1970-kii noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, xilligaas waxaa lagu xusuustaa sida uu u hagay siyaasadda khaarajiga ah ee Mareykanka. Waxa uu haystay Billadda Nabadda Adduunka oo mar lagu abaal mariyay.

Kissinger, waxa uu ahaa qoraa iyo falanqeeye si cilmi Iyo ogaal ah u taxliilin jiray siyaasadda dunida ee xagga diblumaasiyadda.

Soomaaliya & Henry Kissinger,

Dowladdii Soomaaliya ee kacaanka aheyd ayaa dabayaaqadii toddobaatameeyadii wafti uu hoggaaminayay wasiir lagu magacaabayay Qaasim oo ay kamid ahaayeen Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Amb. Cabdullaahi Axmed Caddow u dirtay dalka Mareykanka, si ay ulasoo xaajoodaan dalkaas xilli Soomaaliya Iyo Itoobiya uu dhexmarayay dagaalkii Soomaali Galbeed.

Mareykanka waxaa xilligaas wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Henry Kissinger—Waftigii Qaasim iyo Kissinger waxaa dhexmaray dood adag oo diblumaasiyadeed oo mararka qaar gaartay in laga gudbayay xeyndaabka diblumaasiyadda, sida ku cad wadahadalkii labada dhinac oo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Geeri ninkaan dunida Carabta looga yaqaanno الثعلب العجوز oo ah (dawacii duqa ahaa) waxay Adduunka diblumaasiyadda u tahay mid murugo badan, walow uu ka tegay dhaxal iyo taariikh guun ah oo ay cid walba aragtideeda ku fasirto.

Waxa uu geeriyooday caalamka oo wajahaya mushkilado amni iyo kuwa diblumaasiyadeed oo waaweyn iyo iyada oo laga baqayo in la wajaho dagaalkii 3-aad ee Adduunka.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when casoowe iyo caalamka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Museum

Send a message to casoowe iyo caalamka:

Share

Category