10/09/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
(ุฅููููุง ููููููู ููุฅููููุง ุฅููููููู ุฑูุงุฌูุนูููู)
Ilaahay ha u naxariisto walaalkey Axmed Shire Xuseen, janatul Firdowsana haka waraabiyo. Ehelkii, qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan intii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alle haka siiyo.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada iyo asxaabta Marxuum Axmed Shire Xuseen. Sidoo kale, waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu Marxuumku ka tirsanaa.
Marxuumka waxaa si xaq-darro ah loogu dilay deegaanka Calaag. Runtii waa dhacdo murugo iyo naxdin leh, kana fog damiirka, dadnimada iyo biniโaadantinimada.
Axmed wuxuu ahaa xubin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna qoyskiisa uga soo fogaaday gudashada waajib qaran oo uu ugu adeegayay ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta. Ma ahayn wax marnaba xisaabtiisa ku jiray in uu naftiisa ku waayi doono gacanta kuwa uu u taagnaa ilaalinta naftooda, sharaftooda iyo maalkooda. Taasi waa arrin aad looga xumaado oo aan marnaba la aqbali karin.
Sidoo kale, waa waajib aan laga tanaasuli karin in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ka dambeysay falkaas foosha xun.
Ciidanka Qaranku waa daljirayaal Soomaaliyeed oo u adeegaya qaranka, kana sarreeya heyb, qolo iyo deegaan gaar ah. Sidaas darteed, dhiigga askariga Soomaaliyeed waa in ladhowraa lana ilaaliyaa sharafta iyo karaamada Ciidanka Qaranka.