18/06/2026
SIDEE AYUU SHEEKH YUUSUF AW-BARKHADLE DOOR UGA QAATAY IN 'SOOMAALINIMADU' BADBAADDO QARNIYO BADAN?
-----------------------------
Afku (language) waa waxa bulsho cidda ay tahay ka dhiga. Waa waxa dhaqankeeda iyo habnololeedkeeda sameeya islamarkaana haybteeda sargooya.
Tusaale ahaan; in qolo yar oo ka mida aadamaha Geeska Afrika ku nooli inta ay gooni u baxdo tidhaahdo "annaga oo qolo hebel ah", waxa sabab u ah afkeeda goonida ah ee aan cidkale la lahayn. Adiga Soomaali sababta laguu yidhi waa afka aad ku hadlayso ee ma aha midabkaaga, diintaaada iyo abtirsiintaada toonna.
Tigrayga waxa Tigray loo yidhi ma aha gaagaabnidooda iyo midabkooda toonee waa afkooda. Canfariga sidoo kale.
Afafku sida dadka oo kale ayay kala leeyihiin qabaa'il iyo jilibbo. Kolka bulsho hal af ku hadasha ay deegaan ahaan kala durugto, waxa abuurma lahjado. Lahjadahaasi kolka ay kala fogaadaan xidhiidhhkooduna qarniyo badan kala go'o, waxa ay u xuub siibtaan afaf cusub.
Haddii ay lahjad fogaatay qarniyo kadib u xuub siibato af cusub oo iskii u taagan oo magac gaara leh, macneheedu waxa weeyi waxa dhalatay qowmiyad cusub. Qarniyo badan kadib waxa dhacaysa in labo qof oo awoowyaashoodii tobnaad hal af ku sheekaysan jireen ay is af garan waayaan.
Su'aal: Haddii uu af dhinto maxaa dhaca?
Haddii uu af dhinto, bulsho ayaa dhimatay. Haddii bulsho dhimatana, ilbaxnimo ayaa dhimatay.
Dhaqan baa dhintay.
Caadooyin baa dhintay.
Xeerar-dhaqameedyo ayaa dhintay.
Waaya-aragnimo iyo khibrad jiilal iska soo dhaxleen baa dhimatay.
Aqoon tijaabi ah oo laamo kala duwan leh baa dhimatay.... nolol dhan oo isku qoofalan baa dhimatay.
Qodobkaa halkaas iigu haki.
Aynu u nimaadno Somalida. Somalida waxa sumad u ah in ay tahay bulsho leh hal af, hal dhaqan, hal qaab-feker, iyo hal diin.
Aan dib kuu celiyo kun ama 900 oo sano ka hor. Waxa jiray dad deggenaa dhulkan maanta ay deggenyihiin dadka Somalida la dhaho. Dadkaasi waxa ay dunida kale u taqaannay magacyo kala duwan sida Berberiyiin, Maqdashiyiin, Sayliciyiin iyo/ama Jabartiyiin iwm. Balse badankoodu waxa ay ku hadli jireen afkan iminka la yidhaahdo Somaliga. Cid kale ma aha ee waxa aan sheegayaa waa uun dadkii aynu ka soo tafiirannay.
Taariikhaha qaar waxa ay sheegaan xilligaasi qarnigii 10/11aad, in Somalida dhexdeeda cilmiga diinta Islaamku aad ugu yaraaday oo ay dacwaddii iyo waxbarashadii diintu kala go'een jahligii iyo caadooyinkiina qaalib noqdeen.
Qarnigii 10/11aad maanta waxa laga joogaa ku dhawaad kun sano. Wakhtiga intaas le'eki waa wakhti ku filan in umado dabargo'aan, in afaf dhintaan, in afaf cusubi samaysmaan, in dad hal qabiil isku ahaa ajinebi kala noqdaan, in ilbaxnimooyin dumaan, in bulshooyin la dhalangeddiyo oo afkoodii, magacoodii, iyo taariikhdoodii tirtirmaan.
Dhulkan Geeska Afrika ee aynu deggennahay, laga soo bilaabo qarnigii 10/11aad illaa qarnigan 21aad, waxaa ka dhacay isbadello waaweyn oo taariikhda qulubaa-geddiyey:
- Waxa dhacay dagaallo dad iyo nololba beddelay oo uu ugu weynaa kii Futux Al Xabash.
- Waxa dhacay abaaro hilibka dadka la cunay oo dad badan hayaan iyo geeddiba geliyey.
- Waxa dhacay dhul la kala qaatay oo keenay in ninkii dhulkiisa laga qaatay ku qasbanaaday in uu cidkale ku biiro oo uu ciddaas abtirsiintooda qaato tiisiina ka tago si uu deegaan u helo (qaramayn).
- Waxa dhacay wax duullaankii Tataarka u eg oo qowmiyado cusubi umado tiro badan oo afafkooda lahaa liqeen oo dhalan rogeen.
- Bulshooyin kun sano ka hor dhulkan joogay oo magac, af, taariikh, iyo dhul gooniya lahaa ayaa sebenku tirtiray.
- Lahjado kala durkay ayaa afaf cusub isku beddelay oo aan maanta dadkii afkaas ku hadli jiray is af garanayn.
Haddaba, su'aashu waxa weeyi; Maxaa suuragliyey in ay bulshada Somalidu qarnigan soo gaadho iyadoo leh hal dhaqan, hal af, hal adduun-arag, caadooyin iyo hayb isku mid ah oo aan waxba ku kala duwanayn?
Su'aal kale ayaa ah; maaddaama Somalidu dhul aad u ballaadhan ku kala baahsanayd muddo dheer, lahjado kala duwanna lahayd, maxaa suuragliyey in afkooda iyo dhaqankoodu sidaas u midoobo oo isaga oo mid ah qarnigii 20aad soo gaadho? Muxuu yahay waxa ka dhex abuuray xidhiidh joogto ah oo u diiday in ay ajinebi kala noqdaan sida qowmiyado Ethiopia deggenba ku dhacday?
Su'aalahani waxa ay u baahan yihiin baadhis cilmi ah. Laakiin bal aan anigu faallo ka dhiibto.
Waxyaabaha aan is leeyahay waa ay ka qayb qaataan in luuqadi muddo kumanaan sano ah noolaato oo ay sii xoogaysato, iyada oo aan wax ilbaxnimo ah salka ku haynin, waxa ka mida; afka oo la qoro iyo afka oo loo adeegsado in waxbarashada iyo cilmiga lagu dhigto oo hadba jiilka soo kacaya loogu gudbiyo.
Aniga aragtidayda, Somalida afkeeda markii ugu horraysay ee loo isticmaalay wax u eeg aalad lagu gudbiyo waxbarasho, waa qarnigii 10/11aad kolkii uu higgaadda af Carabiga Soomaaliyeeyey Allah ha u naxariistee Sheikhii weynaa Sheekh Yuusuf Axmed Aw Barkhadle Al Kowneyn.
Sheekh Yuusuf waxa uu curiyey erey bixin af Somali ah oo uu higgaadii xuruufta af Carabiga ku beddelay, isaga oo uga dan lahaa in uu Somalida diinta Islaamka baro (nidaam ay ku barato u dejiyo) laakiin aanu Carabayn. Higgaaddii uu isagu curiyey ayaa waxa ay suuraglisay in kolkii danbe ay culimo kale u isticmaalaan far wadaad af Somaliga lagu qoro.
Sheekh Yuusuf Aw Barkhadle markii uu higgaadda Carabiga Soomaaliyeeyey, muxuu soo kordhiyey?
Sheekh Yuusuf Aw Barkhadle shaqadii uu qabtay haddii aad ku macnayso keliya nin xarfaha alif beetada luuqad qalaad (Carab) Soomaaliyeeyey, ma fahmi kartid macnaha ay shaqadii uu qabtay ugu fadhido umadda Somaliyed.
Anigu aragtidayda, Allah ha u naxariistee, Sheekh Yuusuf Aw Barkhadle waxa uu ahaa sheekhii koowaad ee luuqadda Somaliga muslimiyey. Wuxu ahaa ninkii isagu suuragliyey in qarnigii 10/11aad meel kasta oo qoys Somali ahi deggenyahay Alif la la kor dhebay lagu barto Quraanka.
Waxa uu furay jid ay ka daba qaateen dhamaan culimadii diinta fidinaysay miyi iyo magaalo oo ay waxyaabo badanoo kale oo ay ka mid tahay far wadaad ku sii dareen, kolkaasna uu af Somaligii noqday af diinta Islaamka u gudbin kara ummad aan Carab ahayn iyada oo aan fahamkii diintu qalloocan jiil illaa jiil.
Kol haddii uu af Somaligii helay qaaciido rasmiya oo shaqaysiisa oo ka dhigtay aalad xidhiidh joogto ah ka dhex abuurta dad kala filiqsan oo kala lahjado ah qarniyo badan, waxa uu af Somaligu si dadban u waraabiyey oo dhuux, adkaysi iyo cimri dherer yeelatay dhaqanka iyo haybta Somalinimada (collective identity).
Sidaas darteed, waxa lagu doodi karaa in uu Sheekh Yuusuf lahaa sababta koowaad ee ay ku badbaadday jiritaanka haybta Somalinimada.
Maxaan sidan u idhi?
Haddii aynu nidhi luuqaddu waa shayga hooyada u ah in dhaqan samaysmo, in caadooyin iyo qaab nololeed bulsho gaar u leedahay abuurmaan. In adduun-arag bulsho u gaara oo if iyo aakhiraba ahi abuurmo, kadibna dhamaan waxyaabahaasi bulshadu dhexdeeda is weydaarsato jiil illaa jiilna isu gudbiso, ma sawiran kartaa iminka sidii uu ahaa af Somaliga iyo dhaqanka Somalidu ka hor intii aan Sheekh Yusuf Barkhadle bilaabin Alif la kor dhebay, Alif la hoos dhebay, Alif la goday?
Maya ma sawiran kartid! Laakiin waxa aad ka sheekayn kartaa wixii ka danbeeyey kolkii uu Sheekh Yuusuf bilaabay higgaadda af Somaliga. Wixii aynu afkeenna isugu gudbin jirnay Sheekh Yuusuf ka hor ma xasuusan karno, laakiin waxa aynu xasuusan karnaa wixii aynu afkeenna isugu gudbin jirnay jiil illaa jiil Sheekh Yuusuf dabadii.
Qabiilka Reen Diinle in ay asalkoodii Somali ahaayeen dood badani k**a taagna oo af Somali dhalanrogmay waa ku hadlaan iminkaba. Laakiin waxa ay muddo dheer lumiyeen xidhiidhkii ay dhaqan iyo lahjad ahaan kula milmi lahaayeen Somalida kale. Taas ayaa keentay in ay haybtii Somalinimada lumiyeen.
Bal ka warran haddii uu xiligaa qarnigii 10/11aad Sheekh Yusuf Somalida ugu fatwoon lahaa in ay xaaraan tahay in af/far aan afka Carabiga ahayn iyo higgaad aan tan Carabiga ahayn lagu barto diinta Islaamka? Ma kula tahay in aynu maanta ahaan lahayn bulsho Muslim ah oo leh af, dhaqan, iyo ilbaxnimo ay ka siman tahay oo ka duwan tan Carabta?
Mise haddii aan kaftamo, sida Sudan ayaynu Carab madmadow noqon lahayn?
Tusaale u soo qaado qarnigii 20aad markii reer Yurub dunida qabsadeen ee ay afafkooda iyo saamayntooda ku faafinayeen. Sanadkii 1972dii kolkii af Somaliga la qoray kadib, maxaa innoo badbaaday maxaase innaga lumay af Somaliga la qoray dartiis? Haddii aan la qori lahayn ama aynu afaf kale wax ku baran lahayn, sidee ayaynu u ekaan lahayn maanta?
Su'aashii labaad ee ahayd maxaa mideeyey afka iyo dhaqanka Somalida muddada sagaalka qarni ah:
Aniga aragtidayda waxan is leeyahay; waxa ugu weyn ee suuragliyey in sagaal qarni Somalidu ku midaysnaato hal af iyo hal dhaqan oo ah waxa ay ka koobantahay haybta Soomaalinimadu, waa dariiqada Suufiyada ee ay muddada dheer laasimtay bulshada Somalidu.
Dariiqada Suufiyadu waa makiinaddii ugu weynayd ee ka shaqaysay is dhexgalka Somalida gudaheeda iyo midowga afka, dhaqanka, caadooyinka, iyo adduun-aragga bulshada Somalida miyigeeda iyo magaaladeedaba.
Suufiyadu afka iyo dhaqanka oo keliya ma ay midayn, xitaa waxa ay aabbo ka tahay qaabka uu u samaysan yahay dhismaha qabiilka Somalidu. Waxa ayba dadka qaar rumaysan yihiin, in ay Suufiyadu isku qastay abtirsiintii nasabiga ahayd iyo abtirsiintii dariiqiga ahayd.
Dhacdooyinka todobadii qarni ee la soo dhaafay Somalida ugu jira buuggeeda sooyaalka iyo xasuusteeda umadeed ee ay isku haybsato, intooda ugu badan waxa ay dariiqada Suufiyau u ahayd daynamada dhaqaajinaysay. Sababtoo ah dawladihii islaamiga ahaa ee Somalida u dhashay qarniyadii 14aad illaa 16aad, waxa ay haysteen dariiqada Suufiyada xagga nasabkana waxa ay badidood ku abtirsan jireen Sheekhii af Somaliga higgaada u sameeyey Sheekh Yuusuf Aw Barkhadle.
Habnololeedka reer guuraanimada marka laga yimaaddo, shaqada barashada iyo faafinta diinta, culimadii iyo xertii wareegi jirtay, waxa ay qaab dadban sabab ugu ahaayeen dhaqan is weydaarsiga, isku milanka lahjadaha iyo suugaanta iyo dhamaan waxa ay Somalidu maanta wadaagto.
Sidaa darteed waxa la odhan karaa midnimada la sheego ee ay umadda Somalidu isku majeerato dhaqanka, afka, diinta iwm, iyo baadisoocdeeda ka soo dabbaalatay duruufaha sebenka tobanka qarni, waxa abqaalay Allah ha naxariistee Sheekh Yuusuf Axmed Aw Barkhadle, waxana mideeyey oo haybta Somalinimada mid 'homogeneous' ah ka dhigay culimadii dacwadda ee dariiqada Suufiyada iyagoo isticmaalaya afka Somaliga (far wadaad).
Allah ha ka raalli ahaado, abaalkiisana jannada ha ka dhigo Sheekh Yuusuf Axmed Aw-Barkhadle Al-Kowneyn.
F.G: Tani ma aha baadhis cilmiya oo aan ku sameeyey mawduucan, balse waa aragti iyo male qaadasho uun (Hypothesis).
Waaberi Dahir.