22/08/2026
Kani waa map muujinaya raadadka la aqoonsaday illaa hadda ee magaalooyinkii Somalidu degi jirtay ka hor qarnigii 16aad, intii aanu is baddelin hab nololeedka Somalidu ee aanu u guurin xoolo dhaqatada keliya.
Qarnigii 16aad markii ay Cusmaaniyiintu qabsadeen Masar iyo Yemen, waxa gabaabsiyey ganacsigii badda cas ee isku xidhayay sadexda qaaradood; Asia, Africa iyo Europe. Taasi waxa ay keentay in dhulka khariiradda ka muuqda oo ay ka jirtay dawlad la odhan jiray Ifat (marna Adal), oo ka mid ahaa dhulalka istiraatijiga ah ee isku xidhi jiray ganacsiga sadexda bari; bariga Afrika, bariga dhexe iyo bariga fog ee Asia, uu gebi ahaanba galo labo qarni oo go'doon ganacsi iyo dhaqaale ah.
Waxa istaagay isu socodkii ganacsiga dhoof iyo waarid labadaba ee u gudbi jiray Yurub. Waxa yaraaday dedaalladii tacliinta. Waxa sidoo kale qarnigii 16aad geeska Afrika ka dhacay colaado iyo abaaro gebi ahaanba beddelay habkii bulshooyinku u noolaayeen. Dagaalladaas waxa ugu caansan Futux Al Xabash.
Ka hor qarnigii 16aad (Intii aanu dhicin dagaalkii Futux Al Xabash ee aanay Cusmaaniyiintu qabsanin badda cas), habnololeedka Somalidu ma ahayn sida dad badani ku sifeeyaan iminka ee ah xoolo dhaqato keliya. Waxa jiray beereley, magaalooyin, ganacsato, hay'ado dawli ah iyo goobo waxbarasho diini ah oo aad u xoogganaa. Dhamaan hab nololeedyadaasi waxa ay asalguureen muddadii uu isusocodkii ganacsiga ee badda casi gudhnaa.
Taas waxa markhaati kaaga ah, sida uu hab nololeedka Somalidu isu beddelay markii la furay Suez Canal 1868kii illaa maanta.
Map by Jorge de Torres Rodríguez